Deg Deg: Musharixii shacabka Soomaaliyeed oo madaxweyne ka noqday dalka Soomaaliya

Waxaa goor dhowayd soo idlaatay doorashadii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayada oo ay wareegii labaad usoo gudbeen sadexda musharax ee Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii wareega labaad loosoo gudbay ayaa waxa ay kala heleen musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed 46, Xasan Sheekh Maxamuud 97, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 184, hadaba markii wareega 3aad ay u gudbi rabeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa tallaabo geesinimo leh qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo sheegay inuu u hambalyeynayo mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo noqday madaxweyniha dowlada federaalka Soomaaliya 4ta sano ee soo socota.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu maanta ka dhabeeyay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibada dalka kuwaasoo si weyn u taageersanaa madaxweynaha cusub ee hada la doortay.

Shabakada Baidoa Media Centre ayaa waxa ay u hambalyeynaysaa madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo kaasoo laga filayo inuu wax ka qabto xaaladaha murugsan ee dalka Soomaaliya isaga oo gacana ka helayo shacabka Soomaaliyeed.

 

Baidoa Media Centre

Add a Comment