Siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macalin ayaa waxa uu ka hadlay arimaha dalka Soomaaliya iy doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka maalinta berito ah.

Faarax Macallin waxa uu sheegay ugu horeyntii in wax Soomaaliya la dhaho aanay jirin oo ay dalka kala qaateen Kenya, Itoobiyo iyo dalal kale oo Soomaaliya mar hore lala wareegay dowladna aanay jirin.

”Sharaf darada heerka la gaarsiiyay in qofka farta ugu yeerayo mar kasta oo dhihi xagaan mara uusan raisalwasaare iyo wasiir halkaas jooga ee uu yahay kuray yar oo laba alifle ahaa oo aan weligiis iskuul galin jaahilna ah oo turubataariyada Itoobiya ka tirsanaa Mooyaalana ka shaqayn jiray oo Gabre la dhaho.

Dhanka kale waxa uu sheegay Faarax Macallin inuu Xasan Sheekh adeegsanayo dhaqaalihii dalka si uu doorashada ugu galo horayna uusan u ahay ganacsade.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA FAARAX MACALLIN

Baidoa Media Centre