Sawirro: Ururka SUF oo doortay gudoomiyaha ururkaas ee sanadkaan 2017

Shir sanadeedka lagu doorto gudoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada Västerås , dalka Sweden ee SUF ayaa waxa uu ka dhacay xarunta ururkaas si loo doorto gudoomiye cusub oo hogaamiyaha ururka sanadkaan 2017da.

Doorashada gudoomiyaha ayaa waxaa iskusoo taagay 3 musharax oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha xiliga uu ka dhamaaday Tawakal Anbashe Elmi, Dhol Muqtar iyo Mahdo Abdweli (Knaan) oo horay gudoomiye ugasoo noqday ururka SUF.

Kulanka lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhalinyaro ka kala socotay ururada hoos yimaada ururka SUF ee magaalooyinka gobolka Västmanland qaarkood.

Markii ay xubnaha ururka codadkooda bixiyeen ayaga oo qaab qarsoodi ah wax u dooranayay ayaa la bilaabay tirinta codadka waxaana mar kale gudoomiye loo doortay Tawakal Anbashe Elmi oo helay 27 cod.

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh