NAADIGA BEYZAANIYIINTA BAYDHABA OO DIRAYA BAAQ DEG-DEG AH

Dhamaan Ummadda Muslimiinta
Ku: Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ( Dal iyo dibadba)
Ku: Qurba Joogta Koofur Galbeed Soomaliya
Ku: Ganacsatada iyo Maal Qabeenada KGS
Ku: Aqoonyahanada KGS
Ku: Culimada KGS
Ku: Ururka Haweenka KGS
Ku: Golaha Guurtada Dhaqanka KGS

Ujeeddo: Qeylo Dhaan

Asalaamu Calaykum dhamaan walaalaha kor xusan waxaan idiin soo gudbinayaa Qeylo Dhaan deg deg ah oo daqiiqado ka hor aan ka helay Guddiga Gurmadka Biyo Dhaaminta ee NBB oo maalintii 18 aad biyo dhaamin ka wada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Waxaa gabaabsi naga ah lacagahii biyo dhaaminta waayo tiradii markii hore aan qorsheynay inaan biyo u dhaamino waa sii seddex jibaarmeen usbuuc gudihiis waayo waxaa soo badanaya tirada barakacayaasha iyo kaamamka. Taa waxaa inoo dheer waxaa sidoo kale biyo la’aan xoogan ay ka jirtaa magalaada Baydhabo dhexdeeda iyo masaajidadii Allah lagu caabudaayey.

Sidaa darteed anigoo ku hadlaya magaca Naadiga, kan Guddiga Gurmadka iyo kan Barakacayaashaba waxaan si Islaanimo, Soomalinimo iyo Walaaltinimo leh Allah dartii idinkaga codsanayaa inaad la soo degdegtaan deeqdiina lacageed si aan ugu dhaamino walaalaheen/hilibkeen ee abaartu saameysay. Maal waxaa la hubaa midkaad sadaqeysatid ee aad hormarsatay.

FADLAN KU SOO HAGAAJI DEEQDAADA WALAALKEEN ABDALLAH SHARIF AHMED ( +252 612080808). Abdallah waxaad kala xiriiri kartaa telefoonka caadiga ah, WhatsApp, IMO, Viber intaba.

NAFTEYDA IYO TIINUBA WAXAAN KULA DARDAARMAYAA ALLAH KA CABSI IYO MAATIDA OO LOO GARGAARO.

Walaalkiin

Dr Aweys Abdi Omar
Aasaasaha ahna Madaxa Naadiga Baayazaaniyiinta Baydhabo.
Perth, Australia.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh