Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka ee dalka ayaa ku dhawaaqay doorashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka in uu ku guuleystay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo qabtay xilkan afartii sano ee la soo dhaafay.

Tirinta codadka doorashada ayaa musharxiinta afarta qof ee xilkan ku tartamayay waxa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar.

Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu helay codad dhan 139 cod, halka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo helay 96, Xildhibaan Cabdifataax Ibraahim Geeseey iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar waxa ay kala heleen 17 iyo labo cod sida ay u kala horeeyaan.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar ayaa markale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha baarlamaanka 10aad ee dalka.

Guusha Jawaari ayaa waxa ay meesha ka saartay musharaxnimadii madaxweynanimo ee madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku doonayay inuu ku qabto xilka madaxtinimo ee dowlada federaalka Soomaaliya.

 

Baidoa Media Centre