Madaxweyaha Galmudug oo ka hadlay mooshin laga keenay

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mooshin ay kasoo gudbiyeen xildhibaanada maamulkiisa.

Madaxweyne Cabdikariin ayaa waxa uu ugu baaqay xildhibaanada Galmudug inay ka laabtaan mooshinka ay kasoo gudbiyeen islarmaasna uusan habooneyn xiligaan in mooshin ay kasoo gudbiyaan.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay xildhibaanada maamulkiisa inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka abaaraha ku dhibaateysan.

Xildhibaanada Galmudug ayaa mooshin kasoo gudbiyay madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed kadib markii uu qoraal uu kasoo baxay xafiiskiisa.

 

Baidoa Media Centre

Add a Comment