Wade gaari weyn oo nooxa xamuulka ah ayaa waxa uu magaalada Qudus ku weeraray gaarigiisa askar Siraa’iiliyiin ah oo ka degaysay bas.

Ninka gaariga ku weeraray ciidamada Yahuuda ah oo ay u badantahay inuu Falastiini yahay ayaa dilay 4 afar askari halka tiro intaas ka badana uu dhaawac u geystay.

Darawalkii gaariga weeraray askarta Yahuud ah ayaa isna waxaa toogasho ku dilay ciidamada amaanka ayada oo ay gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaasta lagu daabulay dhaawacyadii askarta la weeraray iyo kuwa dhintay.

Tan iyo bishii Octoobar ee sanadkii 2015tii ayaa waxaa weearo kala duwan iyo rabshado ku dhintay 247 Falastiiniyiin ah, 40 Yahuud ah, 1 Urduni ah, 1 Ereteriyaan ah iyo 1 Suudaani ah.

Haweenay u hadashay booliska Israa’iil ayaa sheegtay inu falkani yahay mid argagaxiso. Israaa’iil ayaa dhul fara badan ka boobtay Falastiiniyiinta ayada oo dhisme sharcidaro ah ku wado.

 

Baidoa Media Centre