Sawirro: Xildhibaan Cabdifitaax Geesey oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa gudoomiyaha BFS

Munaasabad si weyn loosoo agaasimay kana dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Jazeera ayaa waxa uu xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geesey kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay xildhibaano, wasiiro iyo waxgarad ayada oo ay sidoo kalena bahda saxaafada goob joog ka ahayd.

Ku dhawaaqista musharaxnimada gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee xildhibaan Geesey ayaa waxa ay culeys kusii kordhinaysaa musharaxa madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xildhibaanadaan ballan horay ula galay inaysan isasoo sharixin balse ay hada muuqato in looga kala baxay ballantii.

Ilaa iyo hada waxaa isasoo sharaxday ilaa afar xildhibaan oo kasoo jeeda deegaanada Koonfur galbeed waxaana ka mid ah gudoomiyaha wakhtigiisu dhamaaday ee BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Cabdifitaax Geesey ayaa waxa uu ahaa wasiirkii amniga ee maamulka Koonfur galbeed ka hor intii uusan ku guuleysan kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh