Sawirro: Sheekh Shariif iyo raisalwasaare Sharmaarke oo iska kaashanaya doorashooyinka madaxweynanimo

Shir ay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuwada yeesheen musharaxiinta madaxtinimo ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee DKMG ahayd iyo raisalwasaaraha wakhtigiisu dhamaaday ee DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado inay dhowaan ka dhacaan dalka Soomaaliya.

Labada masuul ayaa waxa ay kawada hadleen arimo ku aadan doorashooyinka iyo inay iska kaashadaan inuusan mar kale madaxweyne Xasan Sheekh soo laaban.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ayada oo si weyn halkaas loogusoo dhoweeyay waxa uuna la kumay madaxweynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaan, madaxweyne kuxigeenadiisa iyo weliba wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Add a Comment