Weerar bam gacmeed loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday guriga wasiirka caafimaadka Jubbaland

Kooxo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay abaare 9:40 daqiiqo xiliga geeska Afrika waxa ay weerar bam gacmeed loo adeegsaday ku qaadeen guriga uu ka deganyahay magaalada Kismaayo wasiirka caafimaadka maamulka Jubbaland Cali Xaaji Nuur.latest

Weerarka oo aan la aqoon ujeedada ka dambeysay iyo cida fulisay midna ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa guriga wasiirka..

Islamarkii uu weerarku dhacay waxaa guriga wasiirka soo gaaray ciidamada amaanka iyo kuwa booliska magaalada Kismaayo ayaga oo bilaabay baaritaan ay ku sameynayaan goobta uu guriga ku yaalo iyo cida ka dambeysay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday wasiirka caafimaadka maamulka Jubbaland.

 

Baidoa Media Centre

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh