Sawirro: Madaxweynaha Hirshabeele oo gaaray magaalada Beledweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay weheliyaan masuuliyiin uu ka midyahay xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare ayaa waxa uu maanta gaaray xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Madaxweyne Cosoble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee magaalada Beledweyne si diiran ugusoo dhoweeyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan, maamulka degmada Beledweyne, saraakiisha ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo dadweyne.

Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa loo gelbiyay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne halkaasoo ay munaasabad kooban ku qabteen.

Ma jiraan warar dheeraad ah oo ku aadan ujeedada booqashada madaxweynaha Hirshabeele ee magaalada Beledweyne xiligaan.

madaxweynaha-hirshabeelle-11madaxweynaha-hirshabeelle-14 madaxweynaha-hirshabeelle-13 madaxweynaha-hirshabeelle-12 madaxweynaha-hirshabeelle-10 madaxweynaha-hirshabeelle-7 madaxweynaha-hirshabeelle-8 madaxweynaha-hirshabeelle-9 madaxweynaha-hirshabeelle-1 madaxweynaha-hirshabeelle-4 madaxweynaha-hirshabeelle-2 madaxweynaha-hirshabeelle-3 goodax madaxweynaha-hirshabeelle-2 madaxweynaha-hirshabeelle-6 madaxweynaha-hirshabeelle-5

Add a Comment