Musharaxnimada xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee Jawaari ma Shariif Xasan iska dhicin baa mise Xasan Sheekh kaalmeyn? Faallo.

Sida la wada ogsoonyahay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu soo qabtay xilka gudoomiyaha baarlamaanka mudadii afarta sano ahayd ee ugu dambeysay isaga oo inta badana lagu eedayn jiray inuusan wax ka qaban sharciyadii baarlamaanka iyo weliba dhameystirkii dastuurka qabyo qoraaleedka ahaa.

Jawaari ayaa waxa uu ka dhigay baarlamaankii Soomaaliyeed mid howl gab ah kadib markii uu dhowr jeer hareer marsiiyay sharciyado badan oo loo baahnaa inuu baarlamaanku ka hadlo meelna mariyo ama diido sida, heshiiskii lagu dhisay maamulka Jubbaland ee ay wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Axmed Maxamed Islaam kuwada saxiixdeen magaalada Addis abeba ee dalka Itoobiya, hareer maridii dastuurka iyo hay’adii dhameyd ee sharci dejinta dalka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo weliba kuwa kale oo aan lasoo koobi karin.jawaari

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii lagusoo doortay magaalada Baydhaba isaga oo ka mid ahaa dadkii goob jooga ka ahaa goob madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu taageerayay musharaxnimadiisa waxaana ay warar hoose sheegayaan inuu ogolaaday inuusan mar dambe iskusoo taagin xilka gudoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliya si aanu caqabad ugu noqon Shariif Xasan oo doonaya inuu u tartamo qabashada xilka madaxweynanimada dalka waaba haddii loo doortee.

Jawaari intii uu ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed waxyaabaha ugu badan ee uu qabtay waxaa lagusoo koobi karaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh garab istaagay marka uu dalka ka dhoofayo sagootiyo markuu soo degayana soo dhoweeyo islamarkaasna uu kalfadhiyada iyo shirarka baarlamaanka furo xirana marka ay xaaladu adagtahayna uga dhuunto kuxigeenadiisa.

Iskusoo wada duube, isasoo sharixida Jawaari waxaa la oran karaa waa Xasan Sheekh taageerid iyo xiiso uu u qabo mar kale inuu saaxiibkiis Xasan la shaqeeyo waaba haduu Xasanku mar kale kusoo baxo’e doorashada.

 

Baidoa Media Centre

Add a Comment