Waxaa shir dhinaca teleefonka  isugu yimid qaar ka mid ah jaaliyadaha KGS ee Qurbojoogta oo sida, Dalladdda KGS Sweden,  xubno ka tiran jaaliyadaha Mareykanka, Warbaahnta Wadaninews24 , xubno ka tirsan Golaha Badbaadada KGS,  warbaahinta Shacabka KGS TV iyo Xildhibaan Ahmed Mayow Abdulle, oo Shirka Qeyb weyn ka qaatay.

Qodobabada lagu heshiiyey shirka khadka telefoonka ee  habeeninamadii 28.12.20016

1. In dhammaan Jaaliyadaha dibedda ama qurbo joogta lagu dhiirigeliyo in ay sameystaan abaabul ku saabsan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen abaaraha ka Jira deegaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

2. in xildhibaanada  Baarlamaank  Dowladda Federaalka Soomaaliya u matalaya  Koonfur Galbeed  Soomaaliya iyo jaaliyadaha qurbajoogta ah in la sameeyo xiriir joogta ah oo ay yeeshaan , isla markaasna la diyaariyo   qorshe wax looga qabanaayo abaaraha soo noq noqday ee ka jira geyiga Koonfur galbeed  Soomaaliya.logo

3.  Shirka waxaa uu aad uga welwelsanyahay xaaladda adag ee soo wajahaday deeganada KGS, ee dhinaca abaaraha iyo nabadgelyada.   Waxaana wax lala yaabo lagu tilmaameen in dhulkii beeraha iyo cuntada lagu yiqiinay , in maanta dadka ay ka soo qaxayaan , gaaar ahaan, Shabeelaha Hoose.

Waxaa kaloo shirka uu sheegay in xaaladda dadka abaaraha ay tahay mid aad iyo aad u adag, oo dad farabadana ay ka soo qaxeeen deegaanadii ay degenaayeen ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

4. In hawshaan hadda la bilaabay aysan noqon mid laab la kac ah oo ee ay noqoto mid la joogteeyo isla markaasna la sameeyo qorshooyin ah kuwa waqtiga dhow iyo kuwa waqtiga fog.

5.in la sameeyo  koonto ama xisaab loogu tala galay lacagaha abaaraha oo loo diro  gudaha Soomaaliya , isla markaasna ay ka qeyb qaataan dadka kheyrka iyo samafalka ka shaqeeya sida  culumada iyo wax garadka kala gedisan si wadajir ah loogu wada shaqeeyo arimahaan Abaaraha Ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.

6. Ugu dambeyntii waxaa la isku raacay in shirka xiga ee isla dhinaca taleefonka la qabo 14 January 2017, saacadda 19.00pm – 21:00 ee saacada Stockhom ama 21:00-23:00 saacadda Muqdishu.

Taleefoonada waxaa la soo gelin doonaa warbaahinta Koonfur Galbeed.

 

Mahadsanidiin.

Mohamed Mukhtaar (Miftaax)

Dalladda Koonfur Galbeed ee Sweden

Email: sydvast.somaliska@outoo.com