Sawirro: Go’aanadii Ka Soo Baxay Shir Sanadeedka 2016 ee Dalladda Koonfur Galbeed Sweden ee Magaalada Göteborg, Sweden.

Shir sanadeedka dalladda KGS sweden waxaa ka qeybqaatay sanadkaan 2016 jaaliyadaha KGS ee degen wadanka Sweden, gaar ahaan, magaalooyinka Göteborg, Borås, Falköping, Stockholm, Örebro, Eskilstuna/Västerås iyo Jaaliyadaha Hällaförs iyo Gävle oo ay soo gudbiyeen taageerada Shirka.

Shir Sanadeedka Dalladda KGS ee Sweden waxaa looga hadlay waxqabadkii Dalladda KGS Sweden ee sanadkii 2016, oo ay ka mid ahaayeen:

Sahanka waxbarasahda gabdhaha oo laga qabtay magaalada Baydhabo , taakuleentii agoonta Baidoa, taakuleenta bukaanada Cisbitaalka Baydhabo iyo taakuleenta xarunta dadka miyirka dhiman ee Xarunta dhimirka Baydhabo.

Waxaa kalloo laga wada hadlay qorshayaalka sanadka 2017, waxaana la isku raacay in la gaarsiiyo taakuleenta dalladda gobolada kale ama deegaaanada dadka ka soo jeeeda KGS .

Waxaa kaloo shirka looga hadlay, sidii wax logo qaban lahaa, dhinacyada dhaqanka, gaar ahman dhinaca luqadda Maayga, gaar ahaan, dadka ku hadla Maayga ee waddanka ku cusb ee u baahan inay helaan turjubaano ku hadlo luuqadda Maayga, sidii arintaas wax logo qabanlahaaa.

Waxaa shirka laga soo jeedeyay in la sii wado dadaalada dhinaca TV  ay wadaan dhalinayarada Arlaadi Forum iyo sidii loogu qeybqaadan lahaa.

Shirka waxaa lagu doortay gudiga cusub ee dalladda KGS Sweden ee Sanadka 2017, oo kala ah, sida hoos ku qoran:

  1. Abdulkadir Abukar Sheikh,  Gudoomiyaha Dalladda KGS
  2. Naciima Isack,  Gudoomiye Ku xigeenka
  3. Eng Ahmed Qoryooye, Xoghayaha Guud ee Dalladda
  4. Mohamed Mukhtar, Xisaabiyaha Dalladdda
  5. Mustaf Ahmed, Hantidhowrka guud
  6. Abdullahi Wasiir, Xubin
  7. Jamiilo Sheikh Mohmed Hargeisa, Xubin
  8. Bahjo Abdi Ali, xubin
  9. Mohamed Ahmed Abdisalam,  Xubin
  10. Leyla Mohameed Ahmed, Xubin

11: Af-hayeeenka Dalladda waxaa looo doortay Abdulkari Ahmed Mohamed (Chief Sagaaray)

Waxaa kaloo shirka lagu dhisay, gudi shuuro/marjac, oo la shaqeeya gudinna dhexe ee Dalldadda. Waxaana ka mid ah,

  1. Haji Sid , Borås
  2. Macallim Abdi, Falköping
  3. Abdulkadir Hussein Kadiil, Örebro
  4. Zahra Mohamed Nuur , Örerbo
  5. Sheikh Ibrahim Aden, Götenbor
  6. Mohamed Yusuf,  Gävle
  7. Cabdalla Afrax, Stockholm

Sidoo kale shirka waxaa lagu dhisay gudiga horumarinta Warbaahinta iyo Dhaqanka KGS.   Waxaana ka mid ah;

  1. Abdulkadir Mohamed Chief Sagaarey
  2. Abdiaziz Mohamed Ahmed (Dhegacade)
  3. Aden Hassan, Laftagaraaan
  4. Bahja Abdi Ali
  5. Cukash Sugow
  6. Abdullahi Esse
  7. Mohamed Abukar

Shirka  Waxaa kale oo uu Gudoonsiiyaya Shahaado Sharafyo,  warbaahino iyo hay’ado ka soo jeede KGS oo loo arkay in ay wax wanaagsan  qabteen.

  1. Warbaahinta wadaninews24.com
  2. Warbaahinta Radio Warsan ee Baydhabo
  3. Warbaahinta  Baidoamedia.com
  4. iyo  Idiris Abdi Takhtar , G/Kuxigeenka  Golaha Babdaada KGS.

Shirka waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad.   Shirka kan xigana waxaa la balanqaaday in lagu qaban doono magaalada Borås haduu Eebe SWT idmo.

email.  sydvast.somaliska@outlook.com

 

Mahadsanidiin

 

Gudiga Qabanqaadada ee Shirka Dalladda KGS Sweden

img_0079img_0093 img_0096 img_0094img_0120 img_0087 img_0082 img_0080img_0197img_0121 img_0098 img_0102 img_0111 img_0103 img_0100 img_0090 img_0084 img_0086 img_0063 img_0065 img_0074 img_0077 img_0078 img_0113 img_0121 img_0127 img_0133 img_0138 img_0139 img_0146 img_0140 img_0152 img_0155 img_0142 img_0144 img_0164 img_0145 img_0156 img_0165 img_0169 img_0170 img_0174 img_0176 img_0177 img_0182 img_0185 img_0187 img_0188 img_0190 img_0191 img_0192 img_0194

 

Add a Comment