Munaasabad soo dhoweyn ah oo ay sameeyeen ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SUF ee magaalada Västeås ayaa waxaa kasoo qaybgalay qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed ee waxna ka dhiga jaamacada Rome Cabdalla Cumar Mansuur iyo sidoo kale qoraaga kale ee Soomaaliyeed ee caanka ah ahna qabiir ku xeel dheer suugaanta Soomaaliyeed Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

Soo dhoweynta loo sameeyay qoraayada Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee magaalooyinka Västerås, Eskilstuna, Fagersta, Flen iyo Köping ee dalka Sweden.

Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iyo abwaan Axmed Faarax Cali (Idaaajaa) ayaa waxa ay si weyn uga sheekeeyeen taariikhhda dhaqanka, suugaanta iyo luuqada Soomaaliyeed ayaga oo sidoo kalena halkaas kusoo bandhigay buugaagtii ugu dambeysay ee ay qoreen.

Waxaa sidoo kale halkaas maansooyin suugaaneed kasoo jeediyay Axmed C/qaadir (Axmed Guulwade) oo ah wiil dhalinyaro ah kana mid ah ardayda wax ka barato dalka Sweden iyo sidoo kale abwaanka da’da yar ee xubintana ka ah ururka SUF ee lagu magacaabo Cismaaciil C/laahi Ceydiid.

Waxaa dhanka kale xafladaas kasoo qaybgalay agaasimaha ahna daabace madbacada Loox Press Maxamed Cabdullaahi Cartan oo daabacda buugaagta Afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Gebagebadii xafladda soo dhoweynta ahayd ayaa waxa ay dadkii kasoo qaybgalay xafladaas fursad u heleen inay su’aalo weydiiyaan labada qoraa ee Soomaaliyeed ayaga oo sidoo kalena markii dambe iibsaday buugaag ay ka mid ahaayeen ”Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed” oo uu qoray Cabdalla Cumar Mansuur iyo weliba ”Taariikhdii iyo waayihii Samatar Baxnaan” oo uu qoray Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

img_1180img_1183 img_1186 img_1190 img_1191 img_1192 img_1193 img_1194 img_1195 img_1196 img_1200 img_1201 img_1207 img_1209 img_1217 img_1220 img_1224 img_1228 img_1229 img_1232 img_1233 img_1234 img_1242 img_1243 img_1251 img_1267 img_1277img_1278img_1292img_1295img_1296img_1301img_1301img_1296img_1304img_1311img_1319img_1323img_1307img_1313img_1317img_1324img_1327img_1329img_1330img_1331img_1332img_1336img_1338img_1341img_1348img_1353img_1355img_1357img_1359img_1361img_1362img_1365img_1367img_1382img_1383img_1386img_1165img_1173