Ciidamada Itoobiya oo faarujiyay magaalada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan iyo Alshabaab oo la wareegtay.

Ciidamada dalka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa iskaga baxay magaalada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ayada oo ay durbadiibana la wareegtay Xarakada Alshabaab.

Ceel Cali oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxa ay dhacdaa deegaanada xaduudaha la ah gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose waxa ayna u jirtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan 75km dhanka Koonfur galbeed.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegayo inay dagaalyahanada Xarakada Alshabaab la wareegeen guud ahaan gacan ku haynta magaalada Ceel Cali.

Dhowaan ayay ahayd markii ay ciidamada Itoobiya iskaga baxeen magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan halkaasoo ay durba qabsadeen dagaalyahanada Alshabaab.ceel-cali-map

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa kale ee AMISOM ayaa lagu eedeeyaa inta badan inay iskaga baxeen deegaanadii horay Alshabaab looga saaray xiliyada ay doorashada soo dhowaadaan inkastoo ay dowlada Soomaaliya ku guul dareysatay inay dhisto ciidamo qaran oo khalabeysan iskuna filan maadaama ay ciidamada dowlada horay usoo raacaan kuwa Itoobiya ama kuwa kale ee AMISOM.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh