Sawirro: Ugaasyo reer Hiiraan ah oo diidanaa shirka Jowhar oo soo gaaray magaaladaas

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe soo gaaray laba ka mid ah ugaasyadii diidanaa shirka halkaas ka socda ee maamulka loogu dhisayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Ugaasyada oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa kala ah Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cali Ugaas Xassan  Ugaas Raage kuwaasoo si aad ah ugasoo hor jeeday shirka Jowhar tabasho badana ka bixiyay islamarkaasna si weyn u bar bar taagnaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo isaga weli diidan inuu shirka kusoo biiro sida ay wararku sheegayaan.

Ugaasyada soo gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa dadkii kusoo dhoweeyay halkaas ka mid ah wasiirka arimaha gudaha ee uu wakhtigiisu dhamaadka yahay Cabdiraxmaan Odowaa iyo weliba masuuliyiin kale.

Imaatinka ugaasyadan ee magaalada Jowhar ayaa kusoo aadayso xili lagu dhaariyay magaaladaas xildhibaanada uu yeelanayo baarlamaanka maamulka Hirshabeelle inta badana ayba iska dhamaatay howlihii duubabka dhaqanka looga baahnaa walow warar hoose ay sheegayaan inay ugaasyadanai qayb ka noqon doonaan duubabka reer Hiiraan ee wax kasoo xulayo baarlamaanka cusub ee lagu wado inay Soomaaliya yeelato.

dscn6076dscn6077 dscn6084

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh