Waxaa Magaalada Qaahira lagu qabtay shirka 63aad ee Hay’adda caafimaadka Aduunka WHO qeebteeda BArriga dhexe (EMRO) ka bilaabato 3-6 October 2016.

Waxaa shirka isugu yimid in ka badan 25 wasiir caafimaad oo ka kala socday wadamada ku jira Barriga Dhexe iyo wadamada Islaamka iyo ku dhawaad 30 khubaro iyo xeeldheerayaal caafimaad oo ka kala yimid dhamaan daafaha caalamka .

Waxaa shirka lagu dooranayay Hogaamiyaha EMRO iyo hogaanka guddiyada hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO ee EMRO .

Dowladda Soomaliya waxay kaga qaybgashay shirka golahaas wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Wasiirka Cafimaadka Federaalka Mudane Mohammed Abdinuur Madeer oo ay la socdaan wasiirada caafimaadka maamul goboleedyada, lataliyayaal iyo khubaro Soomaliyeed.

Soomaliya waxay ka mid ahayd wadamadii wax ka doortay hogaanka cusub ee WHO/EMRO waxayna isku sharaxday Dowlada Soomaaliya booska ku xigeenka Guddiga Hogaanka WHO/EMRO waxayna ku guuleysatay Dolwadda Soomaliya jagadaas ku xigeenka Hogaanka EMRO.

Waa markii ugu horreysay oo guul taariikhi ah ay Soomaaliya kasoo hoyso hogaanka sare hay’adda caafimaadka WHO/EMRO. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mudane Mohammed Abdinur wuxuu noqonayaa mudo sanad ah kuxigeenka hogaanka WHO /EMRO.

Waana guul weyn oo Wasiir Madeer usoo hooyey ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan wasaaradda cafimaadka.

 

shirkawasiir-madeer2 wasiir-madeer madax