Muuqaal+sawirro: Baydhaba oo si weyn looga xusay maalinta nabada caalamka

Magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay maalinta nabada aduunka ayada oo ay kumanaan arday iyo shacab haween u badan socod kusoo mareen wadooyinka magaalada.

Munaasabadan lagu xusayay maalinta nabada aduunka ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Koonfur galbeed ayada oo ugu dambeyntii ay dadka la hadleen wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta Koonfur galbeed Xasan Maxamed Cabdi, kusimaha madaxweynaha Koonfur galbeed ahna wasiirka beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyo masuuliyiin kale oo wasiiro iyo saraakiil ciidan ay ka mid yihiin.

Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay halkaas ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay muhiimada ay Aadanaha u leedahay nabada ayada oo ay nabad la’aani nolol iyo horumar jiri karin islamarkaasna waxa ay ay ku dhiirigeliyeen dadkii kasoo qaybgalay munaasabada lagu weynaynayay maalinta nabada aduunka inay ilaashadaan nabada ay hada ku naaloonayaan lana shaqeeyaan hay’adaha amaanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur galbeed.

img-20160921-wa0002img-20160921-wa0003 img-20160921-wa0008 img-20160921-wa0007 img-20160921-wa0009 img-20160921-wa0012 img-20160921-wa0010 img-20160921-wa0004 img-20160921-wa0005 img-20160921-wa0006 img-20160921-wa0002 img-20160921-wa0020 img-20160921-wa0019 img-20160921-wa0018 img-20160921-wa0016 img-20160921-wa0017 img-20160921-wa0013 img-20160921-wa0015 img-20160921-wa0014

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh