Daawo muuqaal bilicda magaalada Baydhaba

bilicda-baydhabo-44Magaalada Baydhaba oo ka mid ah magaalooyinka ugu waa weyn ee dalka Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyayba sameynaysay soo kabasho dhanka dhaqaalaha iyo weliba dhismooyinka.

Magaalada ayaa waxaa kusoo kordhay mudooyinkii ugu dambeeyayba dhismayaal casri ah iyo weliba qaar kale oo qurux  badan ayada oo sidoo kalena wadooyinka magaalada ay ka socdaan howlo dib loogu dayactirayo ayada oo ay arintaasina ku timid maamulka gobolka iyo kan degmada Baydhaba oo loo doortay dhalinyaro aqoonyahano ah islamarkaasna si weyn uga damqaday Baydhaba oo loogu yeeri jiray Janaay inay maamuladii iskaga dambeeyay waxba ka qaban dib usoo celinta bilicdii magaalada ay lahayd ayada oo ay baryasamaadkii ardayda dugsiyada sare iyo jaamacadaha Muqdisho fasaxyada kusoo qaadan jireen magaalada ayaga oo wato basas iyo gawaari kala duwan.

Baydhaba waxa ay kasoo muuqatay waagii dowladii Dhexe ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Bare, filimaan ay sameyn jirtay shirkadii aflaanta Soomaaliyeed sida filimkii caanka ahaa ee Imtixaanka Aduunka oo uu Allaha u naxariistee aktarkii filimkaas Iikar Jeesto qayb ka mid ah filimka ku jilay magaalada Baydhaba.

Hadaba waxaan idiinsoo gudbinaynaa muuqaal gaaban oo ka tarjumayo bilicda iyo ballaarashada magaalada anaga oo haduu Eebe idmo muuqaalo kale idiinsoo gudbin doono.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh