Magaalada Baydhaba waxaa dhowaan lagu dhagaxdhigay jaamacad ay yeelan doonto dowlad goboleedka Koonfur galbeed taasoo la magacbaxday Jaamacada Koonfur galbeed islamarkaasna ay dhisitaankeeda maalgelin doonto dowlada Talyaaniga.

Dhagaxdhiga jaamacada ayaa waxaa wada fuliyay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdiga ka socday dowlada Talyaaniga ayada oo lagu dhagaxdhigay halkii horay u ahayd College Di Baidoa oo ahayd koleej ay dowlada Talyaaniga dhistay dad badana ay wax kasoo barteen.

Jaamacadaan cusub ayaa waxaa lagu baran doonaa sharciga iyo qaynuunka sida ay wada sheegeen madaxweyne Shariif Xasan iyo sarkaal u hadlay wafdiga Talyaaniga ahaa ee soo gaaray magaalada Baydhaba.

shariif

Baidoa Media Centre