Maanta oo ay tariikhdu tahay 10/8/2016 ayaa gudoomiyaha Barlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha Dowlada KGS waxa uu xariga ka jaray wado cusub oo laga hirgaliya magaalada Baydhabo wadadaasoo lagu magacaabo Xanaano Twot taasoo dhererkeedu yahay 3Km.

Furitaanka wadada waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Cabdullahi Cali Watiin oo ay welinayaan gudoomiyaha baarlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Dowlada KGS Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha KGS,wasiirka hubka dhigista iyo dhaqancelinta maleeshiyooyinka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, iyo masuuliyiin kale oo ka kala socda DFS Iyo wakiil ka socday hay’ada ILO oo mashruucaan taaba galisay.

Gudoomiyaha degmada oo ka hadlay halkaas ayaa waxaa uu sheegay inaysan tani ahaan doonin midii ugu horeysay uguna dambeysay ee ay dhisaan balse ay sii socon doonto dayactirida wadooyinka magaalada Baydhabo.

’’Dadka ku nool dibada waxaan ugu baaqayaa inay gacan ka gaystaan howlaha dib loogu dhisayo wadooyinka iyo goobaha adeega dadweynaha ee ku bur buray dagaaladii dalka Soomaaliya aafeeyay’’ ayuu yiri gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin oo ka hadlayay furitaanka wadada Xanaano Two.IMG_9861IMG_9868 IMG_9869 IMG_9879 IMG_9885 IMG_9892 IMG_9903 IMG_9901 IMG_9896 IMG_9895