Agoontii uu ka tagay Maxamed Isaaq Maaxiye (Maanaweel) waxa ay sugaysaa Illaah iyo ummada Soomaaliyeed

Walaalaha Muxsiniinta Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Muxsiniinta Qurbo Joogta kasoo jeeda Baydhabo Janaay waxaan si xushmad,dareen walaalnimo iyo bani’aadamnimo uga codsanaynaa anagoo ku hadlayna magaca NBB in walaalkeena Marxuum Maxamed Isaaq Maahiye oo lagu naaneysi jirey Manaweel oo taariikhdu markey ahayd 7/7/016 Baydhabo ku geeriyoodey ifkana kaga tagay 7 caruur ah oo midka ugu weyn 10 jir uu yahay iyo hooyadood oo uur leh hadana cafimaadkeedu dhameyn ay soo gacan qabtaan lagana wada tashado sidii laga yeeli lahaa carruurtaas uu walaalkeen ka tagay.

Maanaweel

Allaha u naxariistee waa marxuum Maanaweel iyo qoyskiisa

Hadaba walaalayaal waxaanu idinka codsanaynaa inagoo isku haleyneyno hiiladiina iyo dadnimadiina oo marwalba inta dhiban aad is garab taagi jirteen inaad u gurmataan caruurta ismadhaantada ah ee uu walaalkeena ka tagay ilaahay ha u naxariistee.

Walaalayaal ka dib inta walaalihiina ah ee Baydhabo ku sugan waxaanu go’aansanay in caruurtaasi ay ka warqabto xaladahooda walaasheena Marwo Yuusuf Cabdimajiid  oo telefonkeedu yahay+252615586413.

Sidoo kale walaalayaal waxaa kaloo isla garanay in caruurtani agoonta ah in kaalmo mar keliya aanay waxba noloshooda kusoo kordhineynin laakiin muhiim ay tahay ilaa inta noloshoodu agoonta ay isxanbaari karto in la hello 24 qof , qofkasta oo 24 qof ka mid ah inuu sanadkii halmar uu agoontani $50 (konton dollar ) uu ku sadaqeysto.

Hadaba walaalayaal sanadakii waa 24 qof oo min $50 ah waa $1200 (kun iyo laba boqol oo dollar) waxaana ugu tala galney in bil walba ay $100 oo biilka agoonta ah walaasheena Marwo Yuusuf C/majiid ay u maareyso.

Sidoo kale qofkii $50 ayuu sanadkii hal mar bixinayaa wuxuuna xisaabsanayaa sanadka kale isla bishii uu horey u baxshay marka lagaarro.

Isku soo wada duub walaalayaal waxaanu naftiina iyo teena ugu baaqaynaa raali gelinta Allaah S/W oo jecel inta u kaalmeysa dadka mudan in loo kaalmeeyo sida Agoonta walaalkeeni farxada iyo ixtiraamka badnaa MARXUUM MAXAMED ISAAQ MAAXIYE (MAANAWEEL) Ilaahay ha u naxariisto.

Walaalaha Fariintaan kasoo jawaabay inay sanadkii $50 (koton dollar) go’aankana ka qayb ahaa ayaa kala ah:

1-      Almuxsin Maxamed Maxamed Nuur    Somalia  – Baydhabo

2-      Almuxsin C/Salaan Ibraahim Cumar      Somalia  – Baydhabo

3-      Almuxsin  Bashiir Maxamed Aden          Somalia  – Baydhabo

Walaalayaal waxaa harsan 21 qof Ilaahay ha idin wada cizeeyee u deg dega Agoonta inta loo kaalmeeyo iyagaa u mudan Nabiyulaahi MAXAMED NNKH aanu jaar kula noqono Janatul Fardowsal Aclaa.

Waa  walaalkiina kheyrka idinla jecel Bashiir Maxamed Aden

Nb  wixii faahfaahin dheeri ah kala xiriira walaasheena Marwo Yuusuf C/Majiid oo tellkeedu yahay+252615586413

 

Add a Comment