Sawirro: Madaxweynaha DFS oo Muqdisho kusoo xiray shirka tacliinta ee dalalka colaadaha kasoo kabanaya

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday ee magaalada Muqdisho.

Xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, masuuliyiinta Jaamacadaha dalka iyo wafuud ka socota caalamka oo shirka ka qeyb galayey.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheeraad ah siin doonta tacliinta sare ee dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlayey waxbarsahadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxaladdo adag oo soo maray tacliinta dalka haatanna la gaarsiiyey meelo muhiim ah.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumarin kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waxaana ay ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka”

Ugu dambeyntii heshiis iskaashi oo dhanka tacliinta sare ah ayaa gabagabdii soo xiritaanka xafladda shirka, waxaa ku kala saxiixday Jamaacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda International African University ee dalka Sudan .

Shirka_2shirka_6 shirka_4 Shirka_1

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh