Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xulka Puntland guddoonsiiyay koobka horyaalka dowlad goboleedyada dalka

Muqdisho, 26 July 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tartankii cayaaraha dowlad goboleedyada ka dhisan dalka oo magaalada Muqdisho ka socday.

Waxaa uu Madaxweynaha koobkii horyaalnimada ee kubadda cagta ee tartankaasi uu guddoonsiiyey xulka dowlad goboleedka Puntland oo cayaartii kama dambeysta ahayd ee galabta ka dhacdey Garoonka Banaadir uga badisey xulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in isboortiga uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.

Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada shisheeye iyo ururrada caalamiga ee Muqdisho ku sugan.

IMG_1118IMG_1663 IMG_1602 IMG_1145 IMG_1754 IMG_1572 IMG_1589 IMG_1773 IMG_1721

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh