Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo iyo bogaadi u diray ugaas Xasan ugaas Khaliif oo maanta lagu caleema saaray Beledweyne

ugaax XasanMadaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta si rasmi ah loogu caleema saaray magaalada Beled Wayne ee gobolka Hiiraan.

“Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya. Waxan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono “, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay soo dhoweyneyso caleema saarka Ugaaska beesha Xawaadle, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh