Sawirro: Beledweyne oo ay wafuud kala duwan kusii qul qulayso iyo caleemasaarka ugaaska Xawaadle oo lagu wado inay halkaasi ka dhacdo

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa kusii qul qulaya wafuud ka kala socoto dowlada federaalka Soomaaliya, baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo weliba dalka dibadiisa iyo gudihiisaba.

Wafuuda gaartay Beledweyne ayaa waxaa ka mid ah kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaaliyeed Mahad Cabdalla Cawad, wasiiro iyo xildhibaano.

Sidoo kale wafuud ka kala socoto dalka dibadiisa iyo gudihiisa ayaa soo gaartay magaalada oo lagu wado inay maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 25ka bisha July 2016 ka dhacdo caleemasaarka iyo caana shubka ugaaska beesha Xawaadle, ugaas Xasan ugaas Khaliif ugaas Rooble ugaas Warfaa kaasoo xilkaas la wareegay kadib markii uu geeriyooday walaalkiis ugaas Cabdiraxmaan ugaas Khaliif ugaas Rooble oo ahaa ugaaskii isaga ka horeeyay.

ugaax XasanTaxanaha ugaasyada XawaadleBeledweyne8 Beledweyne7 Beledweyne5 Beledweyne6 Beledweyne4 Beledweyne2 Beledweyne3Beledweyne

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh