Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Jeneral Cabdiraxmaan Warsame Cilmi

XasanMadaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee S/ Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi “Caare”.

Marxuumka oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sare ee udub dhexaadka u ahaa horumarkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka la wadaagayaa tacsidaan murugada leh. Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh