Sawirro: Odayaasha Koonfur galbeed oo dalbaday in la cadeeyo xasuuqii lagula kacay dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Wardiile

Odayaasha dhaqanka beelaha Digilmirifle ayaa canbaareeyey 14 qof oo rayid ah oo dhawaan lagu dilay Deegaanka Wardiile ee Gobolka Baay  islamarkaana dowladaha IGAD,dowlada federalka iyo Amisom ugu baaqay in ay  arintaasi soo cadeeyaan  .

Kadib markii Odayaasha dhaqanka Beelaha Digilmirifle ay ka qaybgaleen kulan loogu tacsiyadeynayey eheladii ay ka dhinteen 14 qofood rayid ahaa oo lagu dilay  deegaanka Wardiile oo 30 Km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Baydhabo halkaasoo deegaanka Awdiinle ciidamada Amisom fariisin ay ku leeyihiin la sheegay in uu is ka hor imaad ka dhacay in kastoo warar kala duwan ay deegaankaasi kasoo baxayeen maalmihii ugu danbeeyey.

Odayaashan ayaa kulankooda kadib waxay saxaafada u seegeen  in ay dhacdadaasi canbaareynayaan islamarkaana dowladaha IGAD,Madaxweynaha dowlada federalka iyo Amisom ay kadal banayaan in ay soo cadeeyaan wixiin dhacay ayna si deg deg ah uga hadlaan.

Abshir Mandela

Baidoa

odayaasha DM2wardiile2 wardiile1 odayaasha DM5 odayaasha DM odayaasha DM4 odayaasha DM3

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh