Sawirro: Maamulka Koonfur galbeed oo casho sharafeed sagootin ah u sameeyay kooxda kubbada cagta Koonfur Galbeed

Kulankan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Mamulka Koonfur Galbeed waxaa uu ahaa mid lagu sagootinayey kooxda Kubadda cagta Koonfur Galbeed oo dhowaan ka qeyb gali doona tartanka Isporti ee loo qaban doono Maamul Gobaleedyada Dalka kaasi oo dhowaan ka qabsoomi doono Magaalada Muqdisho.

Kulankaan Waxaa Soo Agaasimey Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya ahna wasiirka hub ka dhigista, dhaqancelinta iyo tababarada maleeshiyaadka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Waxaana Ugu horeyn ka hadley Munaasabada Gudoomiyaha Sportiga Gobalka Bay, Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Bay Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed iyo gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin.

Waxaana sidoo Kale Kullankaan Lagu sagootginayey Kooxda Kubada Cagta Koonfur Galbeed Ka Hadley wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbed Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cqaadir Shaif sheekuna.

Gebagebadii Munaasabada lagu sagootinayey Kooxda Kubada cagta Koonfur Galbeed waxaa khudbad dheer ka jeediyey kusimaha Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Isagoona sidoo kale dhalinyarada Kula dardaarmey In ay muujiyaan Ciyaar Wanaag ayna ka maamul ahaan mar waliba ay garab taaganyihiin.

Wariye Maxamuud Ibrahim Timacade 

Baidoa Media Centre

Baidoa

IMG_9370

IMG_9432 IMG_9378 IMG_9430 IMG_9407 IMG_9464 watiinn IMG_9421 cabdirashiidd IMG_9420 IMG_9457

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh