Sawirro: Deeq raashiin ah oo ka timid Saldanada Cumaan oo qoysas badan loogu qaybiyay degmada Xudur

Xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa qaybinta deeq cuno oo katimid suldaan Qaabuuska Cumaan iyo shacabkiisa ay kas ocotaa magaalada Xudur ee gobolka Bbakool.

Ku dhowaad 1000 kun qoys  oo kamid ah dadka jeebkooduu uu liito ee ku nool magaalada Xudur ayaa waxaa la gaarsiiyey deeq raashiin ah oo isugu jirta bur,bariis ,sonkor,baasto,Saliid,Timir iyo caleenta shaaha.

Deeqdan ayaa waxaa lasoo mariyey maamulka Gobolka gobolka Bakool iyo  iyo kan degmada Xudur iyadoo xiliga la qeybinayey ay halkaasi ku sug naayeen gudoomiyaha gobolka  iyo guqa degmada Xudur.

Qaybinta raashiinkan kadib ayaa waxaa halkaasi dowlada Cumaan oo iyadu deeqdan sooo dhiibtay uga madceliyey  faah faahiyeyna wakiilka deeqdaasi ka timid dowlada Cumaan.

Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin iyo Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa ayagana ka mahadceliyay deeqda raashiinka ah ee lasoo gaarsiiyay shacabka kuu dhaqan degmada Xudur.

Intaa kadib ayaa waxaa halkaas dareenkooda ka muujiyay qaar ka mid ah dadkii iyagu la gaarsiiyey cunada deeqda ah ayaga oo u mahadcelliyay dhankoodana saldanada Cumaan iyo dowladeeda.

4243 45 44 49 47 53 46 48 50 51

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh