Sawirro: MASUUL SARE OO MUXSIN AH AYAA AFUR LOO RIYAAQEY BAXSHEY (habeenka 12aad)

Iyadoo bisha barakeysan ay qaybteedi dhexe marayso ayaa waxaa caawa afurka masjidka lagu baxsho baxshey masuulkii ugu horeyey ee dadkiisa muslimiinta ah ifdhaar ugu deeqa.

Inkastoo inaanu magaciisa sheegno aanan ogolaansho u helin hadana sidaad sawirada ku aragtaan waxaa afurintani uu usoo wakiishey masuulkani mudane Malaaq C/Kariim Yusuf Cali Sh. Oo aad ugu farxay habsami u socodka afurinta masjidka Baydhabo ka socoto.

Hadaba Lajnada Afurinta iyo Saa’imiituba Masuulka waxay ugu duceeyeen Ilaahay ha cizeeyee Mulki aan guur guureynin iyo mansab umadiisa ugu adeego Aakhirana Janatul fardowsa ehel uga dhigo isaga iyo caa’iladiisaba Aamiin.

Ugu danbeyn walaalaha muxsiniinta ah waxaanu marwalba ka codsanaynaa iney dadaalkooda laba laabaan, waxaa soo batey saa’imiintii soo tiigsata Masjidka caawa oo ugu badaneyd tiradooda labada fadhi waxay kor u dhaafeen kun qof waxaanu deeq iyo gargaar  saa’imiinta uga sugaynaa Allaah S/W iyo Muxsiniinta marwalba u heelan u gargaarida inta taagta daran.

Walaalkiin

Bashiir Maxamed Aadan

DSC09591DSC09595 DSC09611 DSC09625 DSC09638 DSC09640 DSC09642 DSC09650 DSC09654 DSC09655 DSC09657 DSC09663 DSC09667 DSC09675 DSC09678 DSC09681 DSC09695 DSC09696 DSC09710 DSC09711 DSC09714 DSC09715 DSC09717 DSC09720 DSC09722 DSC09723 DSC09724 DSC09725 DSC09726 DSC09728

Add a Comment