Sawirro: Habeenadii 8aad, 9aad iyo tobonaad ee afurinta masjid Jaamaca

Waxaa habeenkii sidedaad  ee bisha barakeysan Ramathaan Mubaarak si habsami leh oo lagu farxo uga socda masjidka jaamaca Baydhabo ,taasi oo fududeysay isxilqaanka Muxsiniinta Somaliyeed ee u badan Qurbo joogta oo har iyo habeen uga fikira sidii caruurtooda u quudinayaan si la mid ah walaalahooda saai’miinta aan afurka awoodin

Sidoo kale sida sawirada idiinka muuqda walalayaal waxaa habeenba habeenka xiga usoo kordhaya Muslimiin ifdhaarka masjidka ka socda soo tiigsada, hadaba waxaa ay ku beeraan waa gacantiina iyo gacanta  Alle S/W .

Hadaba walalayaal waxaa gaabis noqotey deeqihii Muxsiniinta ina soo gaarsiin jirtey si aanu walaalahooda inaguna Alle S/W dartiisa ugu qidmeyno.

Waxaan walaalayaal idin xasuusineynaa inaad gargaarkiina barakeysan aad soo dedejisaan, haddii ay ahaan lahayd walaalihii raatibka ku ahaa afurintani ee sanad walba bixin jirey iyo kuwa cusub ee iyaguna kheyrka ka qeeb qadanaya.

Ugu  danbeyn walaalaha muxsiniinta ah ee raatibka ku ahaa afurinta gacantooduna ina soo gaartey ayaa kala ah:

1-      Muxsinad Aamina Iikow Xasan  —  Riyadh KSA

2-      Muxsinad  Malyuun Maxamed Cusmaan — UK  London

3-      Muxsin  C/casiis Sh. Nuurow      ——–   Portland  USA

4-      Muxsin   Qaasim                            ——-    UK    London

Walaalahan Muxsiniinta ah Alle S/W waxaanu uga baryeynaa waxay labaxeen inuu u barakeeyo waxay la hareena inuu u barakeeyo Amiin

Walaalkiina    Bashiir Maxamed Aden

SUNP0464SUNP0472 SUNP0468 SUNP0467 SUNP0474 SUNP0475 SUNP0478 SUNP0466SUNP0538 SUNP0531 SUNP0526 SUNP0505 SUNP0497 SUNP0498 SUNP0502 SUNP0504

HABEENKII SAGALAAD EE IFDHAARKA MASJID JAAMACA BAYDHABO KA SOCDO

Walaalaha muxsiniinta Soomaliyeed ee har iyo habeen u taagan u gargaarida walaalahooda muslimiinta ah ee mudan in Alle S/W dartii loogu hiiliyo dhan walbo oo gargaar ay ka mudan yihiin laga kaabo.

”Hadaba Muxsiniinta wanaaga iyo abaalka waqti walba walaalahooda la garab taagan inaanu sheeg sheegno mooyee wax kale oo aanu ku gudi karno ma jiraan” waxaa hadalkaasi yiri Shariif Cabdala Eelay oo ah gudoomiye kuxigeenka Lajnada Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo.

Shariif Cabdala waxaa kaloo uu yiri ”waxaanu muxsiniinta Alle S/W ugu barinaa markaan salaada ku jirno markaanu sajuudeyno  INUU RAALI KA NOQDO KANA DHIGO SAFKA UGU HOREEYA EE BAABU RAYAN KA GALA JANADA AAMIIN”.

Walaalaha muxsiniinta raatibka ah ee gacantoodu ina soo gaartey ayaa ah

1 Almuxsin Maxamed Shiikheey oo ku nool—— Australia

Walaalkeena waxaanu leenahay ilaahow wuxuu labaxay u barakeey sidoo kale hantiduu la hareyna u barakee Aamiin.

SUNP0089SUNP0083 SUNP0099 SUNP0115 SUNP0119 SUNP0126 SUNP0133

Add a Comment