Sawirro: Ciyaar xiiso badan oo maanta ka dhacday garoonka Dr Ayuub ee magaalada Baydhaba

Cayaar aad u xiisa badan oo kubbada cagta ah ayaa waxa ay maanta ka dhacday garoonka Dr Ayuub ee magaalada Baydhaba. Cayaarta ayaa waxa ay dhex martay kooxaha xaafadaha Abow Asharow iyo Cadaada ee magaalada Baydhaba ayada oo uu maamulka magaalada soo qaban qaabiyay.

Boqolaal dadweynaha magaalada Baydhaba ah ayaa usoo daawasho tagay cayaarta oo xiiso gaar ah lahayd, waxa ayna labada kooxoodba muujiyeen cayaar wanaag ayada oo ay guushu raacday kooxdii ka socotay xaafada Abow Asharow kadib markii ay 2-1 kaga badisay kooxda Cadaada.

Cayaarta ayaa qayb ka ahayd is-dhexgalka bulshada magaalada iyo weliba sare u qaadida isboortiska magaalada Baydhaba oo waa ka mid ahayd magaalooyinka ugu cayaaraha wanaagsan.

Cayaarta ayaa waxaa kasoo qaybgalay gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Maxamed Cali Watiin, wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur galbeed iyo saraakiil ciidan.

IMG-20160527-WA0049IMG-20160527-WA0041 IMG-20160527-WA0020 IMG-20160527-WA0022 IMG-20160527-WA0034 IMG-20160527-WA0046 IMG-20160527-WA0045 IMG-20160527-WA0044 IMG-20160527-WA0042 IMG-20160527-WA0028 IMG-20160527-WA0029 IMG-20160527-WA0027 IMG-20160527-WA0026 IMG-20160527-WA0024 IMG-20160527-WA0009 IMG-20160527-WA0005 IMG-20160527-WA0006 IMG-20160527-WA0039 IMG-20160527-WA0038 IMG-20160527-WA0036 IMG-20160527-WA0030 IMG-20160527-WA0033 IMG-20160527-WA0018 IMG-20160527-WA0016 IMG-20160527-WA0013 IMG-20160527-WA0012 IMG-20160527-WA0011 IMG-20160527-WA0008 IMG-20160527-WA0000 IMG-20160527-WA0001 IMG-20160527-WA0002 IMG-20160527-WA0003 IMG-20160527-WA0004 IMG-20160527-WA0007

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh