Pep Guardiola oo oohin ooda jabsaday

Kulan leysku riiqmay oo dhex maray kooxaha reer Germany ee Byern Munchen Vs Brusia Doetmond ayey isla dhaafi waayeen bar bar dhac eber iyo eber ah. Waqti dheeri ah oo lagu darayna

wey is mari waayen, ugu danbeyntii waxaa loo dhigay gool ku laad ama rigoorayaal hadba saad u taqaano.

Kooxda Bayern Munchen ayaana ku adkaatay 4 iyo 3.Pep Guardiola Arinka kale ee xiisaha badan ayaa ahaa macalika reer Spain ee kooxda kasii tagaya

kaasoo xili ciyaareedka danbe qabanaya shaqada kooxda Manchester City ayaa markii kooxdiisa ay ku guleysatay koobka Germany oohin afka furtay.

Macalinka reer Spain ayaa kooxda horay ugu soo gacan galiyay xagaagan horyaalka Bundesliga oo waliba ay ku guuleysteen markii 4aad oo xiriir ah.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh