Sawirro: Xaafadaha Isha iyo Wadajir ee Baydhaba oo ay cayaar xiiso badan dhex martay

Cayaar aad u xiiso badan ayaa waxa ay dhex martay xaafadaha Isha iyo Wadajir ee magaalada Baydhaba,  ayada oo ay cayaartaasi kasoo qaybgaleen masuuliyiin iyo dadweyne xiiseeya cayaaraha kubbada cagta.

Cayaarta ayaa ka dhacday garoonka kubbada cagta ee Dr. Ayuub Sheekh Yarow ee magaalada Baydhaba waxaana kasoo qaybgalay gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed Cabdullaahi Cabdi Cumar (Fanax) agaasimaha dhalinyarada Maxamed Macallin Isaaq iyo madax kale.

Cayaarta dhex martay kooxaha Isha iyo Wadajir ee magaalada Baydhaba ayaa waxa ay qayb ka ahayd barnaamiska is dhex galka Agaasimaha dhalinyarada Maxamed Macallin Isaaq, Cabdullaahi Cabdi Cumar (Fanax)

Qaybtii hore ee cayaarta ee cayaarta ayaa waxxa ay ku dhamaatay 0-1 ayada oo ay kooxda Wadajir hogaanka u haysay, markii layskugusoo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta ayaa ay kooxda Wadajir heshay gool 2aad ayada oo ay cayaartiina kusoo idlaatay 0-2  oo ay guushu ku raacday kooxda Wadajir.

IMG-20160516-WA0000IMG-20160516-WA0018IMG-20160516-WA0006IMG-20160516-WA0015IMG-20160516-WA0013IMG-20160516-WA0012IMG-20160516-WA0011IMG-20160516-WA0010IMG-20160516-WA0009IMG-20160516-WA0007IMG-20160516-WA0019IMG-20160516-WA0021IMG-20160516-WA0005IMG-20160516-WA0004IMG-20160516-WA0003IMG-20160516-WA0001IMG-20160516-WA0002

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh