Chelsea Oo Qandaraas Hal Sano Ah U Soo bandhigtay kabtan Terry

johnMudaaharaadyo ay wadeen jamaahiirta kooxda Chelsea ayaa mud badan socday ayaga oo dalbanayay in qandaraaska loogu kordhiyo kabtankooda John Terry.

Kaasoo kooxda Chelsea soo joogay mudo ku dhow 20 sanadood laakiinn maamulka kooxda ayaa usoo bandhigay qandaraas uu hal xili ciyaareed kale kooxda kusii haynaya.

Macalinka kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa yiri ”kabtan Terry waxaa loo soo bandhigay qandaraas cusub oo uu kooxda kusii joogayo hal xili ciyaareed sidaa darteed Terry waxa uu haatan ka fiirsanayaa sidii uu ka yeeli lahaa Mar dhowna isaga ayaa shaacin doona go’aanka kama dambeysta ah”.

Baidoa Media Sport

 

 

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh