Muxuu Lionel Messi Ku Yiri Goolhayaha Espanyol.

MessiLama oga laakin laacibka reer Arjantiin iyo kooxda Barca ayaa aflagaado u geystay goolhayaha kooxda Espanyol, intii ay socotay kulankii ay Barca camp nou, kusoo dhaweysay taas oo Barca ay 5 gool iyo waxba ku xasuuqday kooxda Espanyol.

Sida lagu qoray EcoDiario.es Messi waxa uu ku yiri goolhayaha reer Espanyol, ”soco nacasyahow doqon”, Messi ayaana hadalkaas yiri ka dib mid ka mid ah goolashii shanta ahaa oo uu isaga dhliyay.

Goolhayaha Espanyol ayaa kulankii hore ee Janaayo dhex maray labada kooxood intii ay socotay cayaarta waxa uu ku istaagay laacibka reer Argentina iyo kooxda Barcelona.

Isaga oo wareysi uu bixiyay ka hor kulankii Sabtida ku sheegay in uu doonayo, in kooxda Barca ay koobka horyaalka gacmahooda ka bixiyaan. Taasi ayaan laga yaabaa in ay u sabab aheyd aflagaadada uu Messi sameeyay.

Baidoa Media Sport

 

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh