DEG-DEG: Rashford Oo Ku Guuleystay Xidiga Da’yarka

marcos

Da’yarka Marcus Rashford ayaa loo doortay 18 sano jirkii ugu fiicnaa kooxda Manchester United xili ciyaareedkaan kadib qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee uu ku soo bandhigay kooxda 18 sano jirada, 21 jirada iyo kooxda waa weyn ee United.

Rashford ayaa abaalmrintaan ka qaaday Alex Tenzueba oo daafacanayay wuxuuna yiri Rashford  “Waxay ii aheyd xili ciyaareed cajiib ah, waxana u mahadcelinayaa cid waliba oo i caawisay, Nicky Butt, Warren Joyce iyo Van Gaal oo dhamaan isiiyay kalsooni, waan u mahad naqayaaa“.

“Waan ku faanayaa inaan ahay wiil ku dashay Manchester, ku soo barbaaray kadibna u ciyaaraya kooxdii aan ku soo barbaaray ee Manchester United“

Macalinkiisa da’yarta ee Nicky Butt aya yiri waa “Waa xidig amaan mudan oo doonaya inuu wali wax sii barto, farxad bey noo tahay inaan heysano carur sidaas ah oo magaaladaan ku dhalatay kadibna kooxda mataleysa”. waxeyna farxad gelineysaa da,yarta kale ee soo baxeysa kuwaasi oo ku dayan doona Rashford.

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh