Dallada Haweenka Horumarinta Saxaafada Soomaaliya Oo Cambaareeysay Falka Lagu Dilay Allaha U Naxariistee Wariye Hindiya

HindiyoINNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

DALADA HAWEENKA HORUMARINTA SAXAAFADA SOOMAALIYA ayaa uga tacsiyeeyay Dhamaan bahda saxaafada gaar ahaan eheladi iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigeeda xilli ay mareysay nawaaxiga K. M. 4 ee magaalada Muqdisho.

Gud/x/geenka  DALADA HAWEENKA SAXAAFADA SOOMAALIYA Malyuun Sheikh Xayder ayaa tilmaantay  Hindiyo xaaji Maxamed inay ahayd howl kar aan ka daalin howsha saxaafada ee shaqaalaha SNTV iyo xubin ka ahayd DALADA HAWEENKA SAXAAFADA SOOMAALIYA marxuumad hindiyo ayaa ahayd  shaqsi wadaniyad ah oo ugu shaqeyneysay si iskaa wax u qabso ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana intaasi ku dartay gudoomiye kuxigeenka dallada haweenka horumarinta saxaafada Soomaaliya in kuwii ka dambeeyay dilka wariye hindiyo lagu daba joogo sharcigana la horgeyn doono.Iyadana janatul fardawsa inuu  Illaahay  siiyo Aamiin aamiin yaa rabi.

Baidoa Media Centre

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh