Innaalilaah wa inaa Illayhi raajicuun, Daahir Samaraano oo ku geeriyooday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay

Inaa Li Laah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun Daahir Samaraano oo kamid ahaa dhalinyerada Baydahbo kana mid ahaan jirey cayaartooydii Magaaladaasi ayaa saaka salaad subax kadib ku geeriyoodey Baydhabo .
Allaha U Naxriistee Daahir Ayaa Geeridiisa timid kadib markii waayahaan dambaba yera xanuunsanayey, Allaha u naxriistee marxuumka wuxuu ahaa Gudoomiyihii dhalinyerada isbedel doonka Gobolka Baay, wuDaahirxuuna tirada koow labaad ilaa sedexaad ka galayey dhalinyerada Gobolka kuwa ugu caansan.
Allaha u naxariistee marxuum Daahir Samaraano ayaa waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Shanta jid ee magaalada Baydhaba ayada oo ay aaskiisa kasoo qaybgaleen inta badan masuuliyiinta Koonfur Galbeed, kuwa degmada, gobolka, ururada bulshada sida dhalinyarada, haweenka, ganacsatada iyo culimo badan.
Shabakada Baidoa Media Centre iyo guud ahaan howlwadeenada www.baidoamedia.com ayaa waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskiim ehelkii iyo dhamaan asxaabtii uu ka geeriyooday marxuum Daahir Samaraano, waxa ayna Ilaah uga baryayaan inuu Janadiisa Fardowsa ka waraabsho, aamiin.
Inaali laah Wa inaa Ilayhi raajicuun.

One Response

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh