Wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ku qabatay magaalada Baydhaba e exarunta gobolka Bay aqoon wadaag ku aadan baahinta awooda.
Aqoon wadaaga ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhaba iyo weliba ururada bulshada rayidka ayada oo ay khudbado ka jeediyeen masuuliyiin kala duwan.
Masuuliyiinta ka hadashay aqoon wadaaga ku aadanaa baahinta awooda ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Koonfur Galbeed mudane Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Sate), gudoomiyaha gobolka Bay mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo gudoomiyaha degmada Baydhaba ahna duqa magaalada mudane Cabdullaahi Cali Watiin.
macalin hasan
Ascm walaalahey Reer Arlaadi Walaaliyaal barnaamiskaan Ad & Ad Ayuu ufiicanyahay ee lasii labajibaaro barnaamishka wacyagelinta umaada koonfurgalbeed soomaaliya