Sawirro: Tartankii kubada cagta ee ka socday Baydhabo oo soo geba-geboobay

Waxaa garoonka kubada cagta magaalada Baydhabo Kusoo geba-geboobay tartankii  lagu tartamayey  koob loogu magacdaray xoojinta hab-nololeedka iyo wada-noolaanshaha kaas oo loogu talagalay soo dhoweynta iyo isdhexgalka Soomaalida qaxootiga ku ahaa dibada oo dib ugu soo laabtay dalka iyo bulshada deegaanka.

Tartanka koobkan ayaa waxaa maal-geliyay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, waxaana fududeeyey hay’ada DRC oo kaashanaysa  Ururka SIPEJ iyo Gudiga Olombikada KGS iyo wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada KGS oo soo qaban qaabiyay..

Koobkan is dhexgalka bulshada oo ay ku tartamayeen  ilaa sideed Naadi ayna
is kusoo hareen labada naadi Hawlwadaag iyo Dalsan ayaa  garoonka Baydhaba waxa ay ciyaar aad u xiiso badan ku dhexmartay labadaasi naadi taasoo daawashadeeda  ay kasoo qayb galeed  Masuuliyiin iyo boqolaal dadweyne ah.

Hase yeeshee,  ciyaartan ayaa ugu danbeyntii kusoo gebagebowday 2- gool iyo 1- oo ay guushu ku raacday Dalsan koobkana sidaasi ku qaaday, ayadoo maalinta beri lagu wado in munaasabad lagu abaalmarinaayo kooxihiii kaalimaha koowaad iyo labaad galay ay ka dhici doondo Magaalada.

Tartan ciyaareedkan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciyaaraha fudud sida Orodka, Xarigjiidka iyo Riwaayado ka socday magaalada oo loogu tala-galay soo dhowenta dadka dib ugu soo noqday dalka, hal ku dhigeeduna ahaa (Qaarka maanta yimaadaw, Qaxootiga kuwa jooga iyo qaraabadiina u sheega, Qiimaha wadankiina & Xornimada aad Maanta Qabtaan).

Sidoo kale, bandhig riyawaayadeedkan ayaa wuxuu ka koobnaa heeso guubaabin nabadeed,  wadaniyad, horumar & majaajilooyin dadweynihii daawanaayey aad u qiiro geliyay.

SAM_3304SAM_3259 DSC00102 SAM_3305 DSC00103 SAM_3308 DSC00137 SAM_3334 SAM_3306 SAM_3341 SAM_3245 SAM_3364 SAM_3249

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh