Sawirro: Tartan kubadda cagta oo ka furmay Magaalada Baydhabo Maanta

Tartan aad u xiiso badan oo loogu tala galay soo dhoweynta iyo is dhexgalka dadka qaxootiga ka soo laabtey iyo bulshadii marti-gelisay ayaa manta ka furmay degmada Baydhabo ee xarunta G/Bay.

Tartanka oo ay ka qeyb-qaadanayaan 8 kooxood oo ka dhisan magaalada ayaa halkudhigiisu ahaa koobka  is dhexgalka, xoojinta hab-nololeedka iyo wada-noolaanshaha dadka soo laabtay iyo bulshada deegaanka ayada oo ay tartankaas soo qaban qaabiyeen Ururka SIPEJ iyo Gudiga Olombikada KGS iyo wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada KGS  oo taageero ka helayso hay’ada DRC .

Munaasabada furitaanka koobkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiitka Isbortiga iyo dhalinyarada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdulaahi Fanax iyo kuxigeenkiisa, Kusimaha gudoomiyaha Olombikada KGS Cabdulqaadir iyo Marti sharaf kale iyo boqolaal dadweyne oo xiiseynaayey tartanka.

Tartankan ayaa lagu furay 2da Naadi ee kala ah SIPEJ iyo Horseed kuwaasoo isla dhaafi waayeen 1-1, ayaa lagu kala baxay gool-ku-laad ku dhamaadey 5-3 oo ay guusha ku raacday  naadiga Horseed.

Si kastaba ha ahaatee, tartankan kala baxaa ah, ayaa lagu wadaa in abaal marino la gudoonsiiyo kooxaha gala kaalimaha 1aad iyo 2aad.

SAM_0398SAM_0380 SAM_0431 SAM_0387 SAM_0380 (1) SAM_0435 20150828_172856 20150828_173347 20150828_173531

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh