Sawirro: Kooxda iskuulka Macmuur ee magaalada Baydhabo oo ku guulaysatay

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagusoo gaba gabeeyay tartan xaga kubbadda cagta ah oo u dhaxeeyay iskuulada magaalada. Tartanka oo ay kasoo qaybgaleen inta badan iskuulada magaalada ayaa waxaa ku guulaystay kooxdii ku tartameysay magaca iskuulka Macmuur.

Gaba gabadii tartanka ayaa waxaa koobkii la gudoonsiiyay kooxda iskuulka Macmuur ayada oo ay munaasabadii koobka lagu gudoonsiinayayna kasoo qaybgaleen masuuliyiin ay kamid ahaayeen wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gudoomiyaha gobolka Bay iyo weliba gudoomiyaha ururka Bay Youth Academic Association iyo  masuuliyiin kale.

Cayaar1Cayaar3Cayaar2 Cayaar4

Leave a Reply

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Refresh